Dowladda Maraykanka oo faahfaahin ka bixisay duqeyn lagula Alshabaab Jubbada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeymo ay ciidanka Mareykanka ee AFRICOM 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey ka fuliyeen deegaanno hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyey in duqeymuhu ka dhaceen meel qiyaastii 55-km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Kismaayo, iyada oo la fuliyey 14–15 bishaan November 2025, lagana kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegay in duqeymahan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu wiiqayo awoodda Alshabaab, si loo yareeyo khatarta ay u geystaan Soomaaliya, gobolka Geeska Afrika, iyo danaha amniga Mareykanka ee gudaha iyo dibaddaba.

“Duqeymahan ayaa ka dhacay meel ku dhow 55-km waqooyiga-bari ee magaalada Kismayo, iyadoo la beegsaday awoodaha Alshabaab ee khatarta ku ah Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM, inkasta oo aan la sheegin khasaaraha ka dhashay & macluumaad la xariira.

Taliska Mareykanku wuxuu intaas ku daray in howlgaladu sii socon doonaan, iyadoo aan la bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan unugyada iyo diyaaradaha loo adeegsaday, sababo la xiriira ilaalinta sirdoonka iyo badbaadada hawlgallada socda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed