Dowladda Maraykanka ayaa soo Bandhigtay Abaalmarin $10 Milyan ah oo lagu Baadi-goobayo Xubin Alshabaab oo wax maleegtay weerarkii Mandi Bay ee Kenya

Dowladda Maraykanka ayaa maanta ku dhawaaqday abaalmarin gaaraysa $10 milyan oo doollar oo la siinayo cid kasta oo keenta macluumaad lagu heli karo ama lagu qabto Cabdullaahi Banati, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa qorsheeyeyaasha weerarkii lagu qaaday saldhigga milatari ee Manda Bay, Kenya, 5-tii Janaayo sanadkii 2020-kii.

Weerarkaasi, oo ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa sababay dhimashada saddex qof oo Maraykan ah iyo hal askari Kenyaanti ah, taasi oo ay dheer tahay dhaawac iyo burburka hanti milatari oo qiimaheedu gaarayo $90 milyan oo ay ku jiraan lix diyaaradood oo la burburiyay.

Sida laga lagu daabacay bogga abaalmarinta macluumaadka dadka la doon doonayo lagu baahiyo ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Cabdullaahi Banati wuxuu ka tirsanaa unugga Jaysh al-Ayman ee Alshabaab, kaasoo si gaar ah loogu talagalay in uu weeraro ka fuliyo gudaha Kenya. Banati ayaa la rumeysan yahay inuu door muhiim ah ka qaatay qorsheynta weerarkii Manda Bay.

Xogta Banati ee la baaiyay aya ugu baaqay cid kasta oo haysa macluumaad ku saabsan Banati ama dadka kale ee ku lugta lahaa weerarka inay la soo xiriiraan, iyadoo la ballanqaaday abaalmarin iyo suurtagalnimada dib-u-dejin.

“Cabdullaahi Banati wuxuu ku lug lahaa qorsheynta howlgalkii weerarkii aroornimadii hore ee 5-tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday saldhigga Milateriga ee Mandi Bay ee dalka Kenya. noosoo gudbi wixii xog ah. Waxaad heli kartaa abaalmarin gaareysa ilaa $10,000,00 iyo dib u dejin” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda Maraykanka” ayaa lagu yiri warka Maraykanka.

Weerarka Manda Bay wuxuu muujinayaa khatarta sii kordheysa ee Al-Shabaab ku hayso gobolka, iyadoo kooxdaasi ay sii waddo weerarada ka dhanka ah danaha Maraykanka iyo xulafadiisa ee Bariga Afrika.

Dowladda Maraykanka ayaa horey u bixisay abaalmarin la mid ah oo lagu raadinayo Maalim Ayman, hogaamiyihii hore ee Jaysh al-Ayman, kaasoo la rumeysan yahay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarka Manda Bay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed