Dowladda Kenya oo go’aan cusub ka soo saartay furitaanka xadka ay wadaagaan Soomaaliya

Kenya ayaan mar dhow dib u furi doonin xaduuda ay la wadaagto Soomaaliya, sababa la xiriira khatar amniga ee ka dhalan kara arrintan, xilli howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya uu gabaabsi yahay.

Xoghayaha arrimaha gudaha Raymond Omollo ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Nation Africa ku sheegay in tallaabadan lagu wargaliyay baahida loo qabo in la sugo ammaanka dalka dhammaan goobaha laga soo galo iyo kuwa laga baxo.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya sagaal bilood ka dib markii Kenya iyo dhiggeeda Soomaaliya ay ku dhawaaqeen inay doonayaan inay dib u furaan xuduudaha ka dib wada tashiyo heer sare ah oo ka dhacay Nairobi, kaasoo soo afjari lahaa 12 sano oo xannibaad ah oo bilaabmay 2011.

Iyadoo Kenya ay xuduud dhan 800 kiiloomitir la wadaagto Soomaaliya, masaafo u dhiganta safarkii Mombasa ilaa Busia, Kenya  waxa ay qirtay in waddadaas ay aad u adkeyd in la sugo.

Laakin iyadoo Soomaaliya ay tahay xubinta ugu cusub ee Ururka Bariga Afrika (EAC), Xoghayaha arrimaha gudaha ee Kenya  wuxuu sheegay in dalka dhibaatadu ay ka jirto uu xaq u leeyahay inuu ka faa’iidaysto ganacsiga iyo isu socodka aan kala go ‘lahayn ee ay ku naaloonayaan dalalka kale ee xubnaha ka ah bulshada.

Si kastaba, Kenya ayaa weeraro dhaliyay khasaaro kala duwan waxay kala kulanta kooxda Al shabaab oo xaduudka labada ka fuliso howlgallo saameyn ku yeeshay arrimaha ammaanka taniyo 2011.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed