Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku soo bandhigtay deegaan xeebta dhaca ee gobolka Jubbada hoose oo sida tartiib tartiib ah kaga soo biiray Jubbaland ayaa ka helay garaado, ka dib markii diwaanka ciidamada la marsiiyey.
Axmed Macalin Bade oo ka mid ah Ciidamadii Jubbaland ee xoogga dalka ku biiray oo qaatay darajada Kabtan ayaa sheegay in tan iyo sidii 2018 uu Taliye urur ka ahaa ciidamada Jubbaland, isaga oo maanta helay darajadiisii.
Sida oo kale sarkaalkan iyo qaar kale oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in howsha loo igmaday ee qaranka ay ka shqeyn doonaan ayna ku faraxsanyihiin dalacaadda ay ka heleen dowladda, waxaa ciidamada ay ka soo bexeen safkooda ay ka dalabdeen sida hadalka ay u dhigeen in dowladda ay soo galaan.
Dadka la socda xiisadda u dhexeysa Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa sheegay in arimaha ciidamada qaabka dowladdu ay wax u wado ay keeni karto kala furfurasho ku timaado sida ay hadalka u dhigeen Ciidamada maamulka Jubbaland.
Sida oo kale waxaa ay carrabaabeen ciidamada ka soo baxay Jubbaland inay ku keeni karto sida ay qabaan in lagaga guuleystay doorka ciidamada iyo haqab-tirta baahiya aas-aasiga ah ee ciidamada.
HBN ONLINE TV