Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay ka qeybgalka Madoobe iyo Deni ee shirkii uu Xasan Sheekh ku baaqay

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si rasmi ah uga hadashay ka qeybgalka hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay, kaas oo la qorsheeyay inuu qabsoomo horaanta bisha May ee soo socota.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sheegay in DFS si rasmi ah ugu casuuntay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo sheegay in lagu casuumay oo uu ka qeybgalayo.

Wasiir Fartaag wuxuu caddeeyay in Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland laga rabo inuu ka laabto doorashadii dhawaan ka dhacday Kismaayo, taasoo dowladda dhexe ku tilmaantay mid sharci-darro ah.

“Axmed Madoobe haddii uu yiraahdo waa ka noqday doorashada, wuxuu ka mid noqon doonaa shirka,” ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sidoo kale yiri: “Deni wuu imanayaa Madasha Wadatashiga Qaranka, Madoobe se waxa laga doonayaa in uu ka laabto doorashadii faalsada ‘beenta’ ahayd.”

Inkasta oo Madaxweyne Axmed Madoobe uu sheegay in Jubbaland diyaar u tahay ka qeybgalka shirka, hadana waxaa muuqda in uu wajahayo cadaadis ka imaanaya dhanka dowladda dhexe, taasoo ka dhalatay muranka ku gadaaman doorashadii maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale, wali ma cadda go’aanka kama dambaysta ah ee Puntland ee ku aaddan ka qeybgalka shirka, iyadoo la ogyahay in xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland uu ahaa mid meel adag gaaray, sanadihii u dambeeyay.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu wadaa inuu xoogga saaro arrimaha doorashooyinka dalka, amniga, iyo iskaashiga dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.

Waxaana la filayaa in uu noqdo mid fure u ah xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee jira, waxaana ka qeyb ahaan doona saamileyda siyaasadda oo gogosha ku jira.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed