Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa war ka soo saartay howlgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaasi oo ka dhacay deegaanka Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, laguna beegsaday baro muhiim u ahaa kooxda Alshabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka howlgalkaas ayaa si gaar ah loogu beegsaday xubno ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa deegaanka Baqdaad. Ciidamada Danab ayaa la sheegay inay ku guuleysteen burburinta afar doon oo Alshabaab u adeegsan jireen sida hadalka loo dhigay inay kaga gudbaan wabiga Shabeelle, si ay u gaaraan deegaannada ku yaalla labada dhinac ee wabiga.
Intaa waxaa dheer, Dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu burburiyay sida hadalka loo dhigay goobo muhiim ah oo ay Alshabaab ku lahaayeen deegaankaas – kuwaas oo loo adeegsanjiray abaabulka weerarro iyo kaydinta agabka dagaalka. Weerarkan ayaa sidoo kale lagu beegsaday meelo istaraatiiji ah oo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay gabbaad iyo keyd hub.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay go’aankeeda ah in la ciribtiro Alshabaab, ayna sii wadi doonto dadaallada lagula dagaallamayo xagjirnimada iyo amni-darrada.
HBN ONLINE TV