Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo xoojinaya ciidankii horey loo geeyay deegaanka Raaskambooni ayaa saakay gaaray, ka dib markii Diyaarado wada Ciidamadan, Gaadiid Dagaal iyo saanado kale ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada.
Laba diyaarad oo siday ciidamo Ilaalo qaran ayaa noqonaya awood kale oo dowladda Soomaaliya dooneyso in lagu biiriyo ciidamada kale ee deegaanka la geeyey oo kala ah Gorgor iyo Haramcad.
Taliyaha ciidamada 18-aad ee Gorgor ee CXD oo la hadlay ciidamada la geeyey Raas-kambooni ayaa sheegay in diyaar ay u yihiin la wareegidda goobaha ay baneeyen ciidamada ATMIS taasi oo qeyb ka ah howlaha qaranka.
Sida oo kale socdaalka ciidamada la geeyey halkaasi ayaa waxaa qeyb ahaa diwaan galinta ciidamada kaga soo biiray kuwa Jubbaland, taasi oo ciidamo badan ka faa’iideysteen.
Ciidamo Kumaandooska Gorgor oo wehliyaan ciidan kooban oo ah Booliiska Gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa saldhigyo ka sameystay deegaanka Raaskambooni Gobolka Jubada Hoose.
Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamada halkaasi la geeyey ay xiisad ka dhex abuuri karto iyaga iyo dowladda, taasi oo ah diidmada madaxweynaha Jubbaland iyo doorashadii 25-bishii hore ee ka dhacday magaalada Kismaayo, iyada oo Dowladdu ay ku doodday in Dalka ay ka dhaceyso Doorasho Qof iyo Cod ah.
HBN ONLINE TV