Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo isugu yeeray Guddiga Wadajirka ah ee Hoggaaminta Shirka Sanadlaha ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si habsami leh u qabsaday shirkii sanadlaha ahaa ee Guddiga Wadajirka ah  (JSC) ee Qaabdhismeedka Horumarka Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (2021-2025). Kulanka, sida ay sheegtay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya, waxaa diiradda lagu saaray “ka doodista natiijada guud ee Qaramada Midoobay ee 2023 iyo qorsheynta sanadka soo socda”.

Kulanka ayaa waxaa si wada jir ah u shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamuud Beenebeene iyo Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Gargaarka iyo Xiriiriyaha Gargaarka  George Conway, oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin muhiim ah oo ka kala socday dawlado kala duwan, Wasaaradaha iyo wakiillada ka socda hay’adaha Qaramada Midooba.

Wasiir Maxamuud Beenebene ayaa tilmaamay horumarka ballaaran ee laga gaaray qaab dhismeedka horumarinta joogtada ah ee Qaramada Midoobay, isagoo xusay inay muhiim tahay in la sii wado dadaallada lagu doonayo in lagu waafajiyo istiraatiijiyadda horumarinta qaranka Soomaaliya. Wuxuu bogaadiyay shaqada wadajirka ah ee ilaa hadda la qabtay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la sameeyo qorshe diiradda lagu saarayo si loo gaaro himilooyinka sanadka soo socda.

George Conway ayaa carabka ku adkeeyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay taageerto qorshaha horumarinta Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay muhiimadaha istaraatiijiga ah ee Qaramada Midoobay, wuxuuna caddeeyay inay ka go’an tahay hay’addu inay si dhow ula shaqeyso dowladda Soomaaliya si wax looga qabto caqabadaha horumarineed ee muhiimka ah dadka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa lagu lafa guray horumarinta caafimaadka, waxbarashada, horumarinta dhaqaalaha, iyo maamulka. Waxa kale oo dooduhu diiradda lagu saaray caqabadaha jira iyo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee kor loogu qaadayo isku xirka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed