Dowladda Federaalka oo digniin adag ka dirtay faafinta wararka been abuurka ah ee lagu qalqal gelinayo amniga

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si rasmi ah uga digtay wararka been abuurka ah ee lagu faafiyo baraha bulshada, kuwaas oo lagu doonayo in lagu qalqal geliyo amniga dalka. War kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in la ogyahay shaqsiyaad baraha bulshada si aan hubin iyo masuuliyad lahayn ugu faafiya dacaayado iyo warar aan xaqiiqda ku salaysnayn.

Dowladda ayaa tusaale u soo qaadatay dhacdadii ugu dambeysay ee la xiriirtay weerar hoobiyayaal ah oo Alshabaab ay ku garaaceen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Warbaahinta taageerta Alshabaab iyo qaar ka mid ah dadka wax ku qora baraha bulshada ayaa si khaldan u baahiyey sida hadalka loo dhigay xogta, iyagoo sheegay in weerarkaasi lagu beegsaday Xerada Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyo in sidoo kale ay ku dhinteen dad ajaanib ah, wararkaasi oo dowladdu ku tilmaamtay in ay ahaayeen been abuur iyo buunbuunin laga badbadiyay.

Weerarada Alshabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda ma laha bartilmaameed cad, waxayna inta badan dhibaato u geystaan shacabka, iyadoo hoobiyeyaasha sida dhuumaaleysiga ah loo soo tuuray ay sababeen dhimasho iyo dhaawac, gaar ahaan carruur dhiganeysay dugsi Qur’aan todd obaadyo ka hor.

DFS waxay sheegtay inay si dhow ula socoto shaqsiyaadka iyo ilaha ku howlan faafinta dacaayadaha iyo wararka been abuurka ah, kuwaas oo si dadban ama toos ah ugu adeegaya ujeeddooyinka Alshabaab, balse si cad uma farmuuqin.

Dowladda ayaa uga digtay dhammaan dadka arrintan ku lugta leh in ay joojiyaan ficillada khatarta ku ah amniga dalka, iyadoo sidoo kale ballanqaadday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed