Dowladd Soomaaliya oo xog dheeraad ah ka bixiasy duqeyn uu Maraykanku ka geystay gobolka Bari

Dowladda Federalka Soomaaliya DFS ayaa faahfaahin ka bixisay qasaaraha ka dhashay howlgal duqeyn ah oo Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ka fuliyeen deegaan ku dhow magaalada Boosaaso, kaasi oo la sheegtay in lagu beegsaday dhaqdhaqaaqyada kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Howlgalkan oo ahaa sida la sheegay mid qorsheysnaa ayaa ka dhacay deegaan qiyaastii 70-km koonfur-bari ka xigta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Bayaanka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu carrabaabay in Ciidamada Puntland ay ka qayb qaadanayaan baaritaannada uruurinta macluumaad ee qasaaraha.

“Waxaa lagu howlan yahay uruurinta macluumaadka qasaaraha gaaray cadowga iyo dhameystirka hadafka howlgalka oo ah taageerada howlgalka Ciribtirka khawaarijta Daacish oo ay wadaan Ciidanka Daraawiishta Puntland” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Sidoo kale, DFS ayaa duqeyntan ku sheegtay iay qayb ka tahay dadaallada socda ee lagu ciribtirayo waxa loogu yeero argagixisada, waxaana howlgalka si dhow ula shaqeynayey Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Ilo dhanka amniga ah ayaa sheegay in xogta hordhaca ah ay tilmaamayso in weerarka lagu beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah oo ka tirsan kooxda Daacish.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u bogaadisay iskaashiga ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Dowladda Mareykanka, si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni, iyo badbaado laga helo qatarta kooxaha loogu yeero xagjirka ee khatarta ku ah amniga dalka iyo gobolka guud ahaan

Warka ka soo baxay DFS ee lagu faahfaahinayey duqeynta Maraykanka laguma sheegin waqtiga uu dhacay, iyadoo aan la xusid tirada saxda ee kooxda laga dilay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed