Dowlad Soomaaliya oo muqdisho ka soo dejisay masuuliyiin jeebeysan oo loo heysto tuhunka dilka Askar lagu laayey Shabeellaha Dhexe

Dowladda Soomaaliya oo maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta askartii lagu laayey deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa usoo xir xirtay odayaal, guddoomiyihii Ceel Baraf iyo Haweeney ka mid ah dadka degaanka.

Eedeysanayaasha ayaa iyaga oo gacmaha ka xiran diyaarad laga soo saaray deegaanka Ceel Baraf, waxaana laga soo dajiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Odayaasha la soo xiray ayaa ah odayaashii metalayay eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaas oo goobta ka baxsaday, balse weli la baadi goobayo.

Sidoo kale guddoomiyaha oo xilka laga qaaday saaka ayaa loo haystaa tuhun la xiriira dhacdadaasi, waxaana ku socoto baaris, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle oo shaqada ka fariisiyay.

“Qofka hadii laga shakiyo shaqada dowladda masii wadi karo, guddoomiyaha Ceel Baraf dilkii Askarta ayaa looga shakiyey, ilaa baaris amni uu ka maraayana shaqada waa laga joojiyey” ayuu yiri Wasiir Cabdi Daahir Guure (Karoore).

Wararka ayaa sheegaya in maxkamadda ciidamada ay geli doonto kiiskan oo dhaliyay xasaasiyad weyn, maadaama lagu laayay askar Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan sida la sheegay deegaanka.

Askarta la dilay oo gaareysa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay inay ka fasax qaateen saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley. Maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa la carrabaabay ciidankaas ay ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Muuqaal ay heshay warbaahinta ka hor inta aan askarta la dilin ayaa muujinaya in indhaha laga xiray askarta, kadibna la dilay.

Ciidamada marxuumiinta ayaa la tilmaamay in taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen, sida ay inoo sheegeen ilo maxali ah oo ka ag dhow laamaha amaanka Soomaaliya.

HBN ONINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed