“Dowlad jirtaan nahay, Ciidankeenu waa kuwaan geesiyadaa” DFS oo Trump u jawaabtay

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo maanta gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa halkaasi ka bilaabay qorshe lagu abaabulayo howlgallo cusub oo ka dhan ah Alshabaab, iyaga oo kualmo la yeelanaya saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Fiqi ayaa intii uu khudbad u jeedinayay ciidamada loo diyaarinayo howlgalada ka dhanka ah Alshabaab, si adag uga jawaabay hadal uu horraantii sanadkan jeediyay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kaas oo sheegay in Soomaaliya aysan lahayn dowlad iyo ciidan. Wasiirka ayaa sheegay in hadalladaas aysan sal iyo raad toona lahayn, isagoo xusay in Soomaaliya ay leedahay dowlad shaqeyneysa iyo ciidan qaran oo u taagan difaaca dalka.
“Ma aha midka la leeyahay maalin kasta Ciidan ma leh, Boolis ma leh waxba malaha [Soomaaliya]—waa leenahay Ciidan, dowlad jirtaan nahay, Ciidankeenu waa kuwaan geesiyadaa! oo la diriraaya Khawaarijta oo la diriraaya cadowga kasta,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Booqashada Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kusoo beegmaysa xilli ay gobolka Galgaduud ka socdaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga, kuwa deegaanka iyo saaxiibbada Soomaaliya.
Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada, iyagoo ka wada hadlay dardargelinta howlgalada socda, xoojinta amniga degmada Ceeldheer iyo deegaannada ku xeeran, iyo sidii loo dabooli lahaa baahiyaha ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 1-dii bishan sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe cusub oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, kaas oo uu tilmaamay inuu ka duwan yahay isla markaana ka xooggan yahay howlgalladii hore, isagoo xusay in faahfaahinta qorshahaasi dhawaan lala wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay kordhisay howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo Alshabaab. Sida ay dowladda sheegtay, howlgallo laga fuliyay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ayaa toddobaadkan iyo dhammaadka toddobaadkii hore dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiisay in ka badna 100 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed