Dowlad deegaanka Soomaalida oo saanad ciidan iyo gargaar gaarsiiyey gobolka Hiiraan

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta dowlad deegaanka Soomaalida ka guddoomay saanad ciidan oo loogu talagay in lagu Dardar galiyo dagaalka ka dhan Alshabaab, kaasi oo ay galbinayeen ciidamo iyo sarkiil sare oo ciidamo liyuu Booliska ka mid ah.

Sahaydan oo saarneyd gaadiid xamuul ah ayaa waxaa la wareegay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo ku labisnaa dharka ciidamada xoogga dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Munaasabadda wareejinta deeqdan oo ka dhacday degmada Feerfeer oo ku taalla xadka ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta labada dhinac ee Gobolka Hiiraan iyo Dowlad deegaanka Soomaalida ah.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad ayaa sheegay in Saheyda ay kaalin ka qaadan karto dagaalka Alshabaab, isaga oo ka gaabsaday inuu sharraxaad ka bixiyo waxa ay ka kooban tahay, waxaana siday dawaarida qafilan ee ciidamada adeegsadaan.

Mas’uuliyiinta Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa caddeeyay in ay garab taagan shacabka gobolka Hiiraan, si loo Dardar galiyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Maxaas ayaa waxaa ka socda kulamo lagu Dardar galinayo dagaalka Alshabaab oo dhawaan qabsaday magaalada Moqokori.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed