Dowlad deegaanka oo koox dambiilayaal ah u jaray warqad soo qabasho

Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in warqad soo qabasho ah loo jaray dadkii ka dambeyey dilkii magaalada Wardheer ee gobolka Doollo, kaasi oo xili saqdhexe ah lagu dilay dhalinyaro xer aheyd oo wax ka baraneysay Masjidka halkaasi ku yaala.

Ku simaha wasiirka Cadaaladda dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Daahir Xaashi ayaa Sheegay in ay heleen Xogo dhamaystiran oo ku saabsan gacan ku dhiigleyaashii gaystay dilkii ka dhacay magaalada Wardheer, isaga oo si caro ka muuqato u sheegay in warqadda loo jaray soo qabashadooda ay ku howlanyihiin ciidamada amniga.

Waxaa uu sheegay wasiirku in Hay’adaha nabadgelyadu ay ku raadjoogaan kooxdii ka dambeysay dilkaasi, isaga oo tilmaamay in hayo xogta 6-da Xubnood oo qorbajoog ah oo ku eedaysan hurinta colaada Wardheer ee dhimashada sababay.

Bishii septembar 17-keedii xili saqdhexe ah Koox hubeysan ayaa anoo Qabaa’il ugu geystay dil dadka deegaanku sheegeen mid argagax lahaa 6 dhalin yaro ah oo Kutubo ka raaceysay masjidk ku yaala magaalada Wardheer ee gobolka Doollo.

Laba maalin ka dib madaxweynaha Dowlad deegaanka Mustafe Cagjar ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay qayb ka mid ah kooxdii dilka geysatay ayna socdaan hawlgalo balaaran oo lagu soo qabanayo dambiilayaashii geeystay falkii Masaajidka.

Hadda waxaa ka soo wareegtay dhacdaadaan inka badan 20 cisho waxaana ilaa hadda gacanta maamulka ka maqan qeyb ka mid ah kooxdii dilka geysatay, kaasi oo dadka deegaanka oo aad uga falceliyey sheegeen in uu ahaa mid dhaqan baalmarsanaa.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed