Soomaaliya oo kala hadashay Madaxda Howlgalka AUSSOM dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Kareem Adebayo, oo ah madaxa howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, waxaana wadahadalka la isku soo hadal qaaday amni iyo la dagaalka Alshabaab.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika, gaar ahaan doorka howlgalka AUSSOM ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka.

Xamsa ayaa caddeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn u qadarinayso xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Midowga Afrika iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen taageeridda nabadda, dowlad-dhisidda iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Dhankiisa, Kareem Adebayo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo dhoweynta diirran, wuxuuna ballanqaaday in uu la shaqeyn doono hay’adaha dowladda Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo yoolalka amniga iyo xasilloonida. Waxa uu sidoo kale ku celiyay sida Midowga Afrika uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya.

Mas’uulkan ayaa dhawaan loo soo magacaabay xilkan, kadib markii dowladda Soomaaliya ay dalka ka eriday wakiilkii hore ee Midowga Afrika, kaas oo lagu eedeeyay in uu xiriir la lahaa sida hadalka loo dhigay kooxda Alshabaab

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed