Deegaannada Somaliland ayaa saakay looga dareeray codbixinta Dadweynaha si ay u doortaan Madaxweynaha cusub ee hoggaamin doonna 5-ya sano soo ee socota.
Dadka ayaa safaf dhaadheer u galay goobaha codbixinta si marka hore looga hubiyo kaararka ay wataan, marka ay maraan hubintaas ka dib ayey u gudbayaan teendhooyinka la dhigay Warqadaha iyo Sanaadiiqda Codadka la gelinayo.
Komishinka Doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray go’aan lagu joojiyay isu socodka Gaadiidka muddada ay socoto Doorashada, waxaana sidoo kale Dadka la faray in ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyaga oo xushmeynaya xubnaha Doorashadaan ku howlan.
Xisbiyada tartamaya ayaa kusii kala faanaya in mid weliba dhankiisa uu heysto taageerrada ugu badan ee codbixiyaasha maadaama mid weliba uu qaatay maalmo loogu talagalay in uu kusoo bandhigo ololaha musharraxnimada.
HBN ONLINE TV