Magaalada Laascaanood ayaa maanta si weyn looga dareemayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed, kadib markii si rasmi ah loo bilaabay qabashada doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Xarunta doorashada ayaa waxaa soo xaadiray xubnaha u taagan tartanka iyo sidoo kale Xubnaha Baarlamaanka maamulka, kuwaas oo doorashada hoggaanka cusub kaalin muhiim ah ku leh. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa shaaciyay in koroomka baarlamaanka uu dhan yahay, taasoo u gogol xaaraysa in si sharci ah loo guda galo doorashada.
Murashaxiinta u taagan xilalka hoggaanka ayaa khudbadahooda hadda guda galay, iyadoo loo kala hormariyey sidii ay diiwaangelinta ugu kala horeeyeen. Mid kasta waxaa loo qoondeeyay 15 daqiiqo, si uu bulshada iyo wakiillada uga dhaadhiciyo barnaamijkiisa siyaasadeed iyo qorshaha uu gobolka ku hoggaaminayo.
Dhanka ammaanka, magaalada ayaa lagu soo rogay bandow guud, si looga hortago fal kasta oo amni-darro ah, waxaana la xaqiijiyay in xaaladda guud ay tahay mid degan. Bandowga ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu sugo xasiloonida gobolka inta doorashadu socoto.
Waxaa goob-joog ka ah doorashada wafuud ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), taas oo muujinaysa kaalinta ay dowladda dhexe ka qaadanayso dhismaha iyo taageeridda maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.
Isha ku haay HBN ONLINE TV