Guddiga Doorashada Maamulka Waqooyi-bari Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay jadwalka iyo shuruudaha doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo lagu qaban doono maalinta Khamiista ah todobaadkan.
Musharrixiinta u taagan xilka ugu sarreeya maamulka waxaa laga doonayaa inay haystaan shahaadada labaad ee jaamacadda (Master’s Degree), iyo ugu yaraan toban sano oo waayo-aragnimo ah dhinaca maamulka leeyahay.
Dhanka khidmadaha diiwaangelinta, ragga u tartamaya xilka Madaxweynaha ayaa bixin doona $30,000-kun, halka dumarku bixiyaan $15,000-kun. Kuwa u tartamaya Madaxweyne ku-xigeenka raggu waxay bixin doonaan $20,000-kun, dumarkuna $10,000-kun.
Sidoo kale, musharrixiinta waa in ay noqdaan dad kasoo jeeda Waqooyi Bari ah, Muslim ah iyo akhlaaq wanaagsana leh, daacad u ah mabaadi’da dowladnimada, isla markaana da’doodu aysan ka yaraan 40 sano. Waa in ay haystaan aqoon ku saabsan dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliyeed, kana tanaasulaan xil kasta oo ay hayaan inta aanay musharraxnimadooda ku dhawaaqin, iyadoo aanay maxkamad awood leh hore ugu xukumin dambi ciqaabeed.
Horaantii todobaadkaan, Golaha Wakiillada Waqooyi Bari ayaa doortay hoggaankiisa cusub oo ka kooban guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka.
Guddigan oo ka kooban toddobo xubnood ayaa kala ah: Axmed Cabdi Cali Shire, Cabdi Ismaaciil Axmed Barkuud, Cabdikariin Cali Yuusuf, Siciid Dalmar Faarax, Maxamed Maxamuud Cali, Guuleed Maxamed Nuux iyo Axmed Cali Xuseen.
Xubnaha guddiga ayaa loo xilsaaray diyaarinta habraaca iyo jadwalka doorashada, hubinta shuruudaha musharraxiinta, maaraynta codbixinta iyo tirinta codadka, soo saarista natiijooyinka rasmiga ah, iyo xaqiijinta in doorashadu ku dhacdo hufnaan, cadaalad iyo daahfurnaan.
Doorashadan ayaa loo arkaa mid go’aan kaalin weyn ka qaadan doonta jihada siyaasadeed ee maamulka Waqooyi-bari Soomaaliya.
HBN ONLINE TV