Dooni sida tahriibayaal Soomaali u badnaa oo ku qalibantay Badda Mediterranean-ka, iyada oo khasaare culus ka dhashay

Wararka ka imanaya badda Mediterranean-ka ayaa sheegaya in dooni ay saarnaayeen 110 qof – oo 90 ka mid ah ahaayeen Soomaali – ay ku dagtay inta u dhexeysa Talyaaniga iyo Liibiya, saaka.

Shilkaas ayaa sababay dhimasho culus, iyadoo la xaqiijiyay in 37 qof oo Soomaali ah ay ka badbaadeen, halka qaar badan oo kale oo ay ku jiraan gabar yar iyo aabaheed, ay ku naf waayeen dhacadaasi.

Doonida ayaa cilad ka soo wajahday qeybta hoose ee matoorka taasoo sababtay in biyuhu gudaha u soo galaan. Dad ka badbaaday ayaa sheegay in markab Tunisian ah oo kusoo dhowaaday ay diideen in dadka ay gargaar waydiistaan, balse markii dambe ciidamada xeebaha Talyaaniga ayaa sameeyay samatabixin kadib shilkaasi.

Dhacdo kale naxdin leh ayaa laga soo wariyey dooni ku qalibantay badda u dhedeysa dalalka Algeria iyo Spain oo dadka saarnaa ugu badnaayeen Soomaali — waxaa ku dhintay dad badan, kuwa kalane waa laga badbaadiyey, sida ay wariyeen warbaahinta gudaha dalka Spain.

Muuqaallo la helay ayaa muujinaya koox samatabixiyaal ah iyo ciidamada Spain oo u gurmanaya dadkaaasi. Tirada rasmiga ah lama sheegin ee Soomaalida dhimatay iyo inta ruux ee ka badbaaday shilkaan

Mas’uuliyiinta iyo hay’adaha samatabixinta ee Mediterranean-ka kama hadlin shilkaan naxdinta badan ee ka dhacay badda, taas oo mar kale iftiiminaysa halista iyo khatarta safarrada tahriibka ee ay Soomaalida iyo muhaajiriinta kale isku dayaan inay ku gaaraan qaaradda Yurub.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed