Sida uu sheegay telefishinka dowladda Pakistan, ee BTV News, afar diyaaradood oo ah nooca Rafale oo Hindiya leedahay ayaa ku dhawaaday xadka Pakistan ay la wadaagto Kashmir, balse si deg deg ah ayey uga laabteen markii diyaaradaha dagaalka ee Ciidanka Cirka Pakistan ay si dhaqso leh u soo kaceen si ay uga hortagaan.
Falkan ayaa yimid iyadoo xiisaddu tahay mid kacsan kaddib weerar lagu qaaday goob dalxiis oo ku taalla Bahlagam oo ka tirsan Kashmir-ta ay maamusho Hindiya, kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan. Hindiya ayaa weerarkaas ku eedeysay Pakistan, balse Islamabad ayaa si adag dhankeeda u beenisay in ay wax lug ah ku lahayd weerarka.
Ilo dhanka amniga ah oo la hadlay warbaahinta Pakistan ayaa sheegay in diyaaradaha Hindiya aysan si rasmi ah uga soo gudbin xadka, balse ficilkooda uu ahaa mid kicinaya xaaladda. “Markii la qabtay, diyaaradaha Hindiya way baqeen wayna carareen,” ayey yiraahdeen ilo-wareedyadu.
Pakistan ayaa sheegtay in jawaabteedu ahayd mid deg deg ah oo muujineysa diyaar garowgeeda xagga difaaca hawadeeda iyo madaxbannaanideeda.
Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Atullah Tarar, ayaa horay u sheegay in hay’adaha sirdoonku ay heleen warbixino muujinaya suurtagalnimada weerar ka iman kara Hindiya 24 ilaa 36 saacadood gudahood.
Wuxuu ku eedeeyay Hindiya in ay si keligii talisnimo leh oo masuuliyad-darro ah ay u dhaqmeyso, isagoo xusay in Pakistan ay si adag oo cad uga jawaabi doonto weerar kasta.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif ayaa isna ku celiyay go’aanka Pakistan ee ah difaaca midnimada dhulkeeda. isagoo khadka telefoonka kula hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, isla markaana muujiyay walaac ku saabsan ficillada Hindiya. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay ku cadaadiyaan New Delhi inay is xakameyso.
Sharif ayaa beeniyay eedeymaha Hindiya ee ku aaddan weerarka Bahlagam, isaga oo ku baaqay in la sameeyo baaritaan caalami ah oo dhexdhexaad ah, wuxuuna si kulul u cambaareeyay waxa uu ugu yeeray cadaadis dowladeed oo Hindiya ay ku hayso dadka ku nool Jammu iyo Kashmir.
Iyadoo xaaladdu ay sii xumaaneyso, ayaa dad badan oo Pakistani ah oo ku noolaa gudaha Hindiya la arkay iyagoo ku laabanaya dalkooda. Dowladda Hindiya ayaa amartay in inta badan muwaadiniinta Pakistan laga saaro dalka kaddib weerarka.
Sara Khan, oo ka mid ahayd dadkaas, ayaa lagu khasbay in ay ku laabato Pakistan iyadoo wadata dhallaankeeda yar, halka seygeeda oo sitay baasaboorka Hindiya uu dalkaasi ku haray. Qoysas badan ayaa muujiyay murugo ay ka qabaan in si lama filaan ah looga raray halka ay degganaayeen.
Labada dal ayaa xiray xadka kaliya ee ay wadaagaan, waxayna hakad geliyeen ganacsigii iyo fiisooyinkii ay is-weydaarsan jireen. Xiriirkooda diblomaasiyadeed ayaa sii xumaaday, iyadoo labada dhinac ay u yeerteen safiirradoodii ayna is-weydaarsadeen eedeymo kulul.
Xaaladdu wali waa mid kacsan, iyadoo la soo sheegayo iska horimaadyo ka dhaca xuduudda ay wadaagaan labada dal iyo shirar amni oo deg deg ah oo ka socda caasimadaha Islamabad iyo New Delhi.
HBN ONLINE TV