Diyaarad siday Xildhibaanno & rayid oo laga soo celiyay hawada Garoowe & Puntland oo ku eedeysay DFS

Diyaarad sidday xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeedo Puntland ayaa galinkii dambe ee maanta dib looga soo celiyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo uu ugu yeertay xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in diyaaraddan ay hawada ku jirtay markii amar lagu siiyay inay dib ugu laabato magaalada Muqdisho, iyadoo aan weli la shaacin sababta rasmiga ah.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli shalay uu Muqdisho ka tegay Madaxweyne Deni, kaddib markii ay fashilmeen wada-hadalladii ka socday Villa Soomaaliya. Madaxweynaha Puntland ayaa markaas kaddib u yeeray xildhibaannada BFS ku metala Puntland si uu ula yeesho wada-tashi guud oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed.

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin go’aanka lagu celiyey diyaaradda wafdiga iyo dadka shacabka isugu jiray siday, xili ay degisteeda ay ka dhimanaayeen muddo shan daqiiqo ah. Amarka diyaaradda lagu soo celshay ayuu ku eedeeyey inay ka dambeyso dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wuxu ku andacooday in kadib safarka uu qorshuhu ahaa in Garoowe laga soo qaado sida uu hadalka u dhigay xujay Soomaaliyeed, kuwaa oo uu sheegay in meelo kala duwan ka yimaadeen, ayna dhowr maalin joogeen magaalada Garoowe.

Weli Dowladda Federaalka kama hadlin tillaabada lagu soo celiyay Diyaaradda iyo eedeymaha kaga imaanaya maamulka Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed