Diyaarad nuuca xamuul qaada ah oo Qaramada Midoobay leedahay ayaa maanta shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kadib markii sida la sheegay qeybaha lugaha mid u bixi waysay.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo faahfaahin ka bixiyey sababtii keentay shilkan diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in diyaaradda ay si nabad ah barqanimadii saaka kaga duushay garoonka Aaden Cadde, xili ay shaqaale Qaramada Midoobey ah u qaaday magaalada Baydhabo, balse duuliyaha u uu ku soo wargaliyey inay u shaqeyn waysay in lugta hore, isaga oo dib ugu soo celiyay diyaarada Muqdisho.
Axmed waxa uu sheegay in diyaaradda oo siday 22 shaqaalle Qaramada Midoobey ah la soo dejiyey 1:30 Duhurnimo, iyada oo aanay wax khasaraha ka dhalan.
Sidoo kale, waxaa uu shaaciyey Maareeye Axmed in markii ciladdaasi timid lagu wargiyey digniinta dhacdaddan 193 dal, si ay ula socdaan xaalada & in laga hortago in dhib kale uusan dhicin, maadama ay dhabaha diyaaradaha uu xirnaa.
Muuqaaalo warbaahintu heshay ayaa muujinaya saraakiisha garoonka diyaaradaha Muqdisho, gaar ahaan qeybta dab-damiska oo ku sugnaa goobta shilku ka dhacay.
Shilkaan ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmo ka hor diyaarad nuuca xamuulka qaada ah ay ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay diyaaradaasi ay ku dhinteen shaqaalihii la socday diyaarada.
mowduuc la xariira https://hbnonlinetv.com/maxaa-laga-og-yahay-xogta-diyaaraddii-shilka-ku-gashay-duleedka-muqdisho-iyo-xogta-dimashada/
HBN ONLINE TV