Diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay ka laabatay garoonka diyaaraha magaalada Hargeysa, ka dib markii ay u suurta gali weyday in ay ku degto garoonta.
Mid ka mida diyaaradaha shirkadda Fly Dubia ee Imaaradka Carabta oo maanta ku wajahneyd magaalada Hargeysa ayaa ku degi wayday garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Cigaal, iyada oo in muddo ah ku dul wareegaysay meel ku aadan deegaanka Toon ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, sida ay sheegeen dad ku dhow agagaarka garoonka.
Macluumaadka bogga lagula socdo dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ee flightradar24 ayaa muujinaya diyaaradda oo muddo dheer dulmeeraysanaysa hawada magaalada Hargeysa, isla markaana ugu dambeyn u weecatay dhanka Jibuuti, lamana oga waxa sababay in ay diyaaradddu ku degi waydo garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ilaa iyo hadda shirkadda iyo masuuliyiinta Somaliland oo saabsan xaalada diyaaradan.
HBN ONLINE TV

