Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Shangaani waxa maanta ka billawday diiwaangalinta codbixiyaasha golaha deegaanka, kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha dadweyne ee la filayo in ay dhacdo June.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta si rasmi ah u furay isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir, Xaflad si heer sare ah loo agaasimay ayaa lagu qabtay mid kamid ah xarumaha isdiiwaangelinta ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka, maamulka gobolka Banaadir, siyaasiyiin, wakiillo ka socda ururada bulshada rayidka ah, iyo shacab isdiiwaangeliynayay.
Guddoomiyaha guddiga madax banana ee dooradshooyinka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa warbahinta kula hadlay goobta maanta ay diwaan-galinta codbixiyaasha ay ka furantay, isagoo sheegay in dadka maanta isdiwan galinta usoo baxay ay ka badan yihiin tirade ay filayeen ee ku nool dagmada Shangaani.
Sawiro iyo Muqaalo ayaa muujinay dad ku soo ururay barxada iskuulka Shariif qulateen ee dagmada Shangaani halkaas gudiga doorashooyinku u qoondeeyay inay maanta ka bilaabato isdiwaan-galinta cod bixiyayaasha dagmada shangaani.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu noqday muwaadinkii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada isdiwaan galinta cod bixinta isagoo shacabka gobolka banaadir ugu baaqay inay isdiwaan galiyaa si ay usoo doortaan madaxdooda hadii kale ay dhici doonto inuu kursiga yimaado qof aysan raali ka aheen.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in ay tallaabadani meesha ka saarayso sheekadii ayad dalka doorasho kama dhici karto.
Gudoomiyaha Ururka Dadka Soomaliyeed Cali Maxamed Nuux oo ka mid ah madaxda ururada hadlay ayaa dadka ka dalbaday inay isdiwaan galiyaa si ay ugu codeeyaan ururada siyaasadeed.
Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay Booliska oo kaashanaya laamaha amaanka gobolka Banaadir, in ay suurta galiyeen xaqiijinta amniga isdiiwaangalinta Doorashooyinka qof iyo cadka ah.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa horaan ku dhawaaqay meelaha laga qaban doono doorashada qof iyo cod ee dalka, xilli uu rasmi ah uga bilowday Muqdisho ololaha diiwaan-gelinta codbixiyayaasha gobolka Banaadir
Guddoomiyaha guddiga Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashada laga qaban doono dhammaan maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Puntland iyo Jubbaland, inkastoo Goboka Gedo laga hirgelin doono.
Guddoomiyaha ayaa xusay in dalka uu markii ugu horreysay muddo ku dhow 60 sano kadib uu u jihaysanayo doorasho qof iyo cod ah, taasoo bilaabatay diwaangalinta dadweynaha 15-ka Abriil oo maanta ah.
Qalabka doorashada ayaa loo soo bandhigay bulshada Soomaaliyeed, ururada siyaasadeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo eego loona tijaabiyo ka hor inta aan doorashadu dhicin. Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in la helo kalsoonida bulshada iyo beesha caalamka.
Goobaha wajiga koowaad ee diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ayaa noqon doona degmooyinka Shangaani, Shibis, Xamarweyne, Xamar-jajab, Waaberi, Cabdicasiis iyo Boondheere, halka wajiga xiga laga bilaabi doono Waardhiigley, Hodan, Howlwadaag, Kaaraan, Yaaqshiid, Hiliwaa, Dayniile, Dharkeenlay iyo Wadajir.
Doorashada maamulka gobolka Banaadir ayaa la qorsheeyay in la qabto 30-ka Juun, kadib marka la soo gabagabeeyo diiwaan-gelinta codbixiyayaasha.
Guddiga doorahsooyinka ayaa hadda gacanta ku haya 5 urur oo diyaar u ah doorashada golaha deegaanka ee bisha 6-aad ee sanadkan, kuwaa oo uu ku sifeeyey inay yihiin saamilayda siyaasaadda, isaga oo u fasaxay inay bilaabi karaan ololahooda doorashada golaha deegaanka ee diwaan galinta dadweynaha Muqdisho oo bilaabatay maanta.
Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo dhisan muddo afar bil ah ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan in la qabto doorashada qof iyo cod ah, wallow xubnaha mucaaradka ah ay diidmo qayaxan kala hor yimaadeen.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku andacoonay in doorashada la qabanay aysan haysanin kalsooni siyaasadeed ayna kali ku tahay Madaxwaynaha dalka iyo xukumadiisa.
Inkastoo doorashadan diiwan galinteeda maanta loo dareeray haddana qaar ka mid ah siyaasiyin xilal hore u soo qabtay iyo maamul goboleedyada Jubbland & Puntland ayaa ka soo horjeeda doorashada oo ay ku shegeeen waa sida hadalka ay u dhigeen mid aan la isku raacnayn
HBN ONLINE TV