Khabiirka arrimaha ciidamada iyo istiraatiijiyadda, Kornayl Hatem Karim al-Falahi, ayaa sheegay in Iran ay fariin u dirtay Israel taasi oo ah in haddii la weeraro xarunta Fordow, ay iyaguna beegsan doonaan tan nukliyeerka Israel ee Dimona. Laakiin wuu xusay in arrintaas la hakiyay hadda.
Gantaal ay Iran soo ridday ayaa ku dhacay magaalada Beersheba, kadib markii difaacyadii cirka ee Israel ay ku guuldareysteen inay qabtaan gantaalkaa. Ilo Iraniyiin ah ayaa sheegay in goobta la beegsaday ay hoy u ahayd xarumo ciidan iyo kuwo sirdoon oo firfircoon.
Sida uu sheegay Kornayl Al-Falahi, fariinta Iran ee ah beegsiga agagaarka Beersheba ee u dhow xarunta Dimona waxay caddeyneysaa inay leedahan awoodo, karti, iyo xog ay ku beegsan karaan xarumo istiraatiiji ah, oo ay ku jirto xarunta nukliyeerka ee Dimona.
Wuxuu intaa ku daray in fariinta Iran ay tahay: “xarunta Dimona waxay noqon kartaa mid u dhiganta xarunta Fordow.” Hase yeeshee, Khabiirku wuxuu caddeeyay in ay weli tahay goor hore in laga hadlo weerar lagu qaado xarunta nukliyeerka ee Israel, maadaama uusan is-horimaadku heerkaasi wali gaarin.
Wuxuu sheegay in arrinta ku saabsan in Iran ay weerarto xarunta Israel “hadda dib loo dhigay”. Xubin ka tirsan guddiga amniga qaranka ee baarlamaanka Iran ayaa sheegay in la gaaray waqtigii la weerari lahaa xarunta Dimona ee Israel, kaddib weerarada Israel ay ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iran.
Xarunta Fordow waxay caqabad ku tahay bartilmaameedyada Israel ee doonaya inay dhammeeyaan barnaamijka nukliyeerka Iran, sababtuna waa in ay si adag loo difaacay maadaama ay ku taallo meel buuraley ah oo qoto dheer, taas oo ka dhigaysa mid aan lagu burburin karin weerarro cirka ah oo caadi ah.
Istaraatiijiyadda Gantaalada ee Iran
Marka laga hadlayo istaraatiijiyadda Iran ee gantaalaha, Kornayl Al-Falahi wuxuu sheegay in ay jirto kala doorasho marka ay gantaallada ridayaan.
Iran waxay gantaallo ka badan 200 ku isticmaashay weerarkeedii ugu horreeyay ee ay kaga falcelinaysay weerarka Israel, kadibna tiradii si tartiib ah ayay u yaraatay iyadoo habka gantaal ridista uu noqday mid tayo iyo tiroba leh, gantaalladu way yaraadeen laakiin noocyo horumarsan ayaa la adeegsaday.
Gantaalladii ugu horreeyay, Iran waxay uga gol lahayd waxa uu Kornayl Al-Falahi ugu yeeray “buuxinta hawada”, iyadoo la adeegsanayay gantaallo duug ah si loo daciifiyo difaacyada cirka ee Israel. Kornayl Al-Falahi wuxuu sidoo kale sheegay in Iran ay sii waddo ridista gantaallada laga soo rido saldhigyada joogtada ah iyo kuwo guur-guura, isla markaana masaafooyinka gantaalladaasi ay gaari karaan bartilmaameedkooda.
Iran waxay sheegtay inaysan wali adeegsan dhammaan awoodeeda gantaallada, iyadoo gantaalka “Fattah-2” uu weli yahay kaarka hanjabaadda ee ay u hayso Israel. Kornayl Al-Falahi wuxuu xaqiijiyay in gantaalkan, oo gaari kara masaafo dhan 1,400 kiiloomitir, uu ku shaqeeyo shidaalka adag, taasoo macnaheedu yahay inuu awoodo inuu ka leexdo dariiqa tooska ah oo uu sameeyo warwareeg si uu uga dhuunto ama u jahwareeriyo nidaamyada difaaca cirka ee Israel.
Kornayl Al-Falahi wuxuu rumeysan yahay in adeegsiga gantaalkan uu ku xirnaan doono sida uu dagaalku u dhaxeeya Tel Aviv iyo Tehran isu beddelo, waxaana suurtagal ah in gantaalkan laga dhigo mid la adeegsado marka dagaalku noqdo mid ballaaran. Wuxuu xusay in Iran aysan dooneynin in ay soo bandhigto dhammaan awooddeeda, laakiin ay ku qanacsan tahay in ay riddo gantaallo noocyo iyo masaafooyin kala duwan leh.
Xisaabinta Awooda Iran ee Israel
Marka laga hadlayo xisaabinta Israel ee awoodda Iran, khabiirka istiraatiijiyadda ayaa sheegay in Iran aysan galin wax dagaal ah tan iyo 1988-kii, balse muddadaas ay horumarinaysay awooddeeda, gaar ahaan xoogga gantaallada oo ay u aragto hubka caga-jugleynta istiraatiijiga ah, maadaama aysan awoodin in ay hesho ciidan cirka ah oo horumarsan.
Israel waxay rumeysanayd in weerar horudhac ah oo ay ku qaado Iran uu sababi doono burbur weyn, balse taasi ma dhicin, sababtoo ah Iran waxay si degdeg ah dib isugu soo uruurisay awoodaheedii iyadoo oo gantaallo badan ku garaacday Israel, taasi oo keentay in difaacyadii cirka ee Israel gabi ahaanba ah ay noqdaan kuwa daciifa.
HBN ONLINE TV