Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay fiidkii ka dhacay bartamaha magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo laba qof oo rayid ah lagu toogtay.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in labada qof lagu rasaaseeyay meel u dhow xarunta maamulka gobolka Nugaal, xilli ay ku sugnaayeen xarun ganacsi oo ka agdhow Hotel Baashi iyo Masjidka Saxaaba. Dableyda hubeysan ee weerarka geystay ayaa si degdeg ah uga baxsaday goobta.
Ciidamada ammaanka ayaa durbadiiba gaaray halka falka uu ka dhacay, iyaga oo bilaabay baaritaanno ku saabsan sida uu weerarku u dhacay, cida ka dambeysa iyo ujeedada dilka.
Booliiska gobolka Nugaal weli faahfaahin rasmi ah kama bixin magacyada dadka la dilay ama sababta rasmiga ah ee ka dambeysay falka. Wararku waxay tilmaamayaan in baaritaannada socda lagu raadjooggo kooxdii ka dambeysay falka.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ay jireen walaacyo isa soo taraya oo la xiriira xaaladda amni ee magaalada Garowe.
HBN ONLINE TV