Digniin loo diray maraakiibta ganacsi ee adeegsata biyaha u dhow Xeebaha Soomaaliya

Hay’adda badaha UK ee UKMTO ayaa digniin adag u dirtay maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marin-biyoodka u dhow xeebaha Soomaaliya, kaddib markii lagu arkay dhaqdhaqaaqyo shaki leh oo ay sameynayeen doonyo shiraac ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakadaha tahriibinta ee ay taageerto Iran.

War-saxaafadeed ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in la helay warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ka dhacay badda u dhow magaalada Garaacad, oo qiyaastii 106 mayl badeed u jirta magaalada Eyl.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in ciidamada deegaanka ay qabteen mid ka mid ah labada doon ee la tuhunsanaa, halka tan kale ay baxsatay.

UKMTO waxay sheegtay in baaritaannada socda ay ku saabsan yihiin arrintaas, iyadoo ku boorrisay dhammaan maraakiibta ganacsiga ee maraya biyaha u dhow xeebaha Soomaaliya iyo kuwa gobolka inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, ayna si degdeg ah ugu soo wargeliyaan dhaqdhaqaaq kasta oo shaki leh xafiisyada UKMTO ama xafiiska howlaha badda ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed