Digniin loo diray dadka Maandooriyaha ka ganacsada Gobolka Banaadir

Howlgal laamaha ammaanka maamulka gobolka Banaadir ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Cabdisiis ayaa waxaa ay ku soo qabteen Hub iyo waxyaabaha maanka dooriya, waxaana goobta lagu soo bandhigay joogay masuuliyiinta gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay Hubka iyo Maandooriyaha ayaa digniin adag u diray dadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Guddoomiye Madaale ayaa waxaa uu sheegay in la maxkamadeyn doono dadkii lagu soo qabtay hubka iyo maandooriyaha.

Howlgalkan ayaa daba socda kuwa Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ka wadeen magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in ay kula dagaalamayaan ansha xumada, wax yaabaha maanka dooriya iyo waxyaalaha Amni darada keeni kara.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed