Dadka degan Hareeraha Wabiga Shabeelle ayaa loo jeediyay digniin ku saabsan fatahaad uu ka samey karo magaalada Beledweyne iyo degmooyinka ku xeeran ee gobolka Hiiraan.
Wabiga Shabeelle ayaa ka sare maray heerkii halista badnaa, waxaana uu ku sii siqayaa heer aad halis u ah, taasoo keeneysa khatar weyn oo fatahaad ah in uu sameeyo sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.
Digniintan ayaa ku wajahan magaaooyinka kala ah, Beledweyne, Buulo Burte, Jalalaqsi, Jowhar, Balcad, iyo deegaanada ku dhow dhow Wabiga oo laga yaaabo in uu si taban u saameeyo dadka iyo deegaanka.
Iyada oo dhawaan roob badan uusan ka da’in Soomaaliya iyo bariga Itoobiya, haddana biyaha ka imaanaya buuraleyda Itoobiya ayaa keenay in heerka webiga uu sare u kaco sida warbixinta ay UN OCHA soo saartay ku cadeysay.
Dadka degan Hareeraraha Wabiga Shabeelle ayey ugu baaqday in ay ka feejignaadaan, kana fogaadaan Hareeraha Wabiga, si loo yareeyo saameynta fatahaadaha suurtagalka ah in ay wax yeeli geystaan, halka dadka loogu baaqay qaar in deeganada taagga ah u guuraan.
HBN ONLINE TV

