Dibadbaxyada looga soo horjeedo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ayaa maalintii labaad ka socda qaybo ka mid ah gobollada dalka.Banaanbaxyadan ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalooyin waaweyn oo ay ka mid yihiin Baledweyne, Buula Burte, Jowhar, Balcad, Afgooye iyo Ceel-Dheer, kuwaas oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.
Banaanbaxyada oo ka dhacayey fagaarayaasha magaalooyinka ayaa muujinayey diidmada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan waxa ay ku tilmaameen faragelin qaawan oo Israa’iil ku hayso midnimada iyo gobannimada Soomaaliya. Dadka mudaharaadayay ayaa ku adkeystay inaysan marnaba aqbali doonin in la kala qaybiyo dalka.
Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan cid kasta oo ku xadgudubta madax-bannaanida iyo wadajirka Soomaaliya, iyagoo xusay in midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay arrin aan laga tanaasuli karin.
HBN ONLINE TV

