Dibadbax lagu taageerayo doorashada qof iyo cod ah oo lagu qabtay Muqdisho

Banaanbax lagu sheegay in lagu taageerayo in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ayaa maanta ka dhacday taalada Daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galaya mas’uuliyiin kala duwan oo dowladda katirsan.

Waxaa dibadbaxaan loo xiray Waddooyinka muhiimka ah ee isku xira degmooyinka Xamarweyne, Shangaani, Cabdicasiis, Shibis iyo degmooyin kale, waxaana qudbado goobta ka jeediyeyey madax ka kala socota bulshada iyo dowladda.

Xubno katirsan qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa qeyb ka ah dibadbaxa, waxaana dhammaan ay garab istaag u muujiyeen in dalka ka dhacdo Doorasho Qof iyo cod ah oo golaha Wadatashiga ku heshiiyay isla markaana la ansixiyay xeerarka muhiimka u ah.

Labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa horyaalla xeerarka muhiimka ah u ah Doorashooyinka, qaarkood ayay ansixiyeen halka kuwo kale ay wax uga dhiman yihiin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed