Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), oo ka kooban tiro wasiiro ah ayaa maanta degmada Buurhakaba ee gobolka Baay kula hadlay ciidamo badan oo ka mid ah ciidamada lagu magacaabo “Badbaadada Koonfur Galbeed,” xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka.
Khudbadaha ay jeediyeen masuuliyiintan mucaaradka ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira dhismaha maamulka Koonfur Galbeed aanu qeyb ka aheyn sida hadalka ay u dhigeen madaxweynaha hadda maamulla, iyada oo mas’uuliyiinta DFS ay muujiyeen taageeradooda dowladda dhexe, isla markaana ay sheegeen inay garab taagan yihiin nidaamka federaalka iyo dadaallada lagu xasilinayo gobolka.
Waxay sidoo kale xuseen in xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay u baahan tahay wada-hadal iyo isfaham. Mas’uuliyiinta ayaa si adag u sheegay in Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu xilka ku yimid sida ay hadalka u dhigeen ogolaansho ka yimid DFS iyo shacabka Koonfur Galbeed, balse xaaladda hadda jirta ay u baahan tahay in dib loo eego maadaama ay isbeddello siyaasadeed socdaan.
Waxay sidoo kale tilmaameen in DFS ay ka shaqeyn doonto sidii loo “badbaadin lahaa” deegaannada maamulkaas, halka ay digniin adag u direen cid kasta oo lagu eedeeyo falal la xiriira waxay ugu yeereen “boob ama qaadashada hanti dadweyne”.
Dhaq-dhaqaaqyadaan hadda socda ayaa lagu sheegay inay qayb ka yihiin isbeddello ballaaran oo ay wadaan dhalinyarada iyo bulshada deegaanada Koonfur Galbeed.
HBN ONLINE TV

