Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weeraro iyo toogasho loo geystay Soomalida ku nool dalka Mareykanka, ka dib dhacdooyin is xigxigay oo saacadihii ugu dambeyey ka dhacay dalkaasi.
Wiil Soomaali ah oo magaciisa lagu soo koobay Khadar Indho ayaa la sheegay in lagu dilay dalka Mareykanka markii toogasho ka dhacay agagarka suuqa Karmel ee magaaladda Minneapolis oo ah mid Soomaali laheyd.
Weerarka ayaa waxaaa dhawaac culus uu ka soo gaaray sida oo kale laba dhalinyaro kale, kuwaa oo la sheegay in boolisku ka soo gaaray.
Khadar Indho ayaa la tilmaamay in uu ka mid ahaa dhalinyaradii dhawaan dalkaasi qaabka Tariibka ah ku galay, si kale darbiga ka booday.
Dhanka kale, Dhallinyaro la rumeysanyaahy in ay yihiin Soomaali oo rabay in ay gaari dhacaan ayaa lagu xabadeeyay faras magaalaha ee isla Minneapolis, gaar ahaan agagaarka Loring Park, iyada oo tiradooda lagu sheegay in ay gaareyso Saddex.
Kooxdan dhallinyarada ah oo la sheegay in mid watay Khamiis, mid kalana shaati cad iyo kan kale oo aan la carrabaabin ayaa iyaga oo isku dayaya in gaari dhacaan la xabadeeyay, sida la soo xigtay Booliska gobolka.
Dalka Mareykanka Soomaalida ku nool ayaa wajahaya xaalad adag iyaga oo khataro kaga imaanayaan kooxo la sheegay in ka tirsanyihiin qolyaha midigta fog oo neceb dadka ajaaniibta ah, waxaana loogu baaqay Soomaalida in goobaha ay tagayaan fiira gaar ah u lahaadaan.
HBN ONLINE TV

