Inta la xaqiijiyey laba qof ayaa ku geeriyooday, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay Isgoyska Afarta Darjiino ee magaalada Muqdisho.
Shilka ayaa yimid kaddib markii gaari xamuul ah uu ku dul dhacay mooto bajaaj ay saarnaayeen dad rayid ah.
Sida ay sheegeen goobjoogayaal, xaaladda waxaa sii adkeeyay markii bajaajta laga dul qaadi waayay gaariga xamuulka ah, iyada oo ay soo gurmadeen dad rayid ah.
Dadka dhaawacmay ayaa isla markiiba laga qaaday goobta shilka, waxaana la geeyay xarumo caafimaad.
Shilalka noocan oo kale ah ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana loo sababeeya xawaaraha xad dhaafka ah ee lagu kaxeeyo gawaarida iyo cilado kale.
Sidaan oo kale bishii Maarso ee sanadkii hore ayuu shil culus Muqdisho uga dhacay, kaasi oo sababay khasaare naf iyo hanti, iyadoo lagu eedeeyo wadayaasha gaadiidka in aanay dhowrin nidaamka wada-marista ayna keento dhibaato.
HBN ONLINE TV