Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Turkiga caafimaad ahaan ugu qaaday dhallinyaro la sheegay in ay kamid ahaayeen tiro dad ah oo dhaawacyo culus ka soo gareen rabshadihii ka dhacay magaalada Boorame dabayaaqada bishii December, kuwaas oo markii hore lagu dabiibayay isbitaallo ku yaalla Muqdisho.
Rabshadahaas ayaa sababay dhimashada 19 qof iyo dhaawaca tiro kale, kadib isku dhac dhex maray ciidamada Somaliland iyo dhallinyaro gadoodsan.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta XFS, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa la sheegay in uu door ka qaatay in 2 dhallinyaro oo dhaawacyo aad u culus ay helaan daryeel caafimaad oo dalka dibaddiisa ah. Mid ka mid ah dhallinyarada la qaaday ayaa u mahadceliyay wasiirka, mas’uuliyiinta ku lugta lahayd.
Rabshadaha Boorame oo socday dhowr maalmood bishii December ayaa ka dhashay mudaharaadyo ay dhallinyaradu kaga soo horjeedeen munaasabadda buugga Xeer Ciise oo ay oggolaatay xukuumadda Somaliland.
Ciidamada Somaliland ayaa lagu eedeeyay in ay xabbad toos ah u adeegsadeen dad shacab ah oo aan hubaysnayn, halka xukuumaddu ay sheegtay in ay mag ka bixisay dadkii dhintay, isla markaana ay bixisay kharashka daaweynta dhaawacyada, qaarkoodna loo qaaday Itoobiya.
HBN ONLINE TV

