Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay geeriyoodeen seddex caruur oo walaalo ka dib markii uu dab ku qabsaday gurigooda oo ku yaalay xaafad lagu magacaabo Kaskey oo degamdaasi ka tirsan, sida ay sheegeen masuuliyiinta deegaanka.
Caruurta oo la sheegay in guriga lagu xiray oo hooyada dhashay uga tagtay ayaa ku ciyaaray jantasiigar guriga yaalay, kaasi oo ugu dambeyn sababay in khasaaraha intaa la’eg ka dhasho.
Caruurta iyo guriga ayaa isku basbeelay sida uu muujinayo muuqaal goobta dabka ka kacay.
Maamulka degmada Baaradheere ayaa sheegay in deegaanka uu aad uga fogaa magaalada gurmad lala gaari waayey, waxaana ay ku tilmaameen masuubo, iyaga oo sida oo kale sheegay in hooyada dhashay caruurta geeriyootay oo ka naxday arintan ay hadda Isbitaal dhigeen si xaaladeeda caafimaad loo kor joogteeyo.
HBN ONLINE TV