DFS oo digniin ka bixisay roobab wata duufaan oo ka dhici doona gobollada Bari iyo Nugaal

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa digniin degdeg ah ka soo saartay roobab xooggan oo wata duufaan iyo onkod, kuwaas oo la filayo inay saameyn ku yeeshaan gobollada Bari iyo Nugaal ee deegaanada Puntland.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka SoDMA ayaa bulshada ku nool gobolladaasi, gaar ahaan degmooyinka Xaafuun, Eyl, Dangoroyo, Bandarbayla, Qardho iyo Garoowe, ugu baaqday feejignaan iyo taxaddar.

Sida ay sheegtay SoDMA, saadaasha cimilada ayaa muujinaysa duufaan onkod leh oo xooggan, taas oo la filayo inay bilaabato 12-ka May ilaa 17-ka May 2026, isla markaana saameyn ku yeelan karta nolosha iyo isu socodka dadka.

Hay’addu waxay ugu dambeyn ku boorisay shacabka inay raacaan tilmaamaha maamulka deegaanka iyo hay’adaha gurmadka si looga hortago khasaaraha ka dhalan kara roobabkaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed