DFS oo xabsiyada wada qorshe Liibiya looga soo deynayo tiradii ugu badneyd oo ah Dhalinyarro Soomaaliyeed oo Tahriibayaal ah

Dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya ayaa heshiis ku gaarey in dalka dib loogu soo celinayo ilaa 400 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo wadanka uga baxay qaab tahriib ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Dhaay ayaa sheegay in dhalinyarradaan gacanta ugu jireen kooxaha dambiyada abaabulan iyo magafeyaasha dhibaatada ku haya dadka Soomaaliyeed.

“Dowladda waxaa ka go’an in ay markasta ka shaqeyso soo deynta dhalinyarrada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Xabsiyada Liibiya” ayuu yiri Wasiir DhaayBoqolaal

Dhalinyarro Soomaaliyeed ah ayaa ku go’doonsan dalka Liibiya, halkaasi oo ay ku qabtaan kooxaha magafeyaasha oo weydiista lacago xad dhaaf ah.

Inta badan socdaalka dhalintan ayaa ku eg qaaradda Yurub oo ay ka raadiyaan nolol ka wanaagsan mid hadda ay ku heystaan dalka Hooyo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed