DFS oo xabsi muddo dheer ah iyo ganaax lacageed isugu dartay haweenay lagu helay maalgelinta Alshabaab

Xeer Ilaalinta guud ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Caasho Macalin Mursal Cali oo eedeysane ah loo gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, kadib markii lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshaha kooxda Alshabaab, maalgelinta falalka loogu yeero argagixisada iyo dhaqidda lacago sharci darro ah.

Baaritaanno iyo caddeymo malaayiin doollar ah oo la horkeenay maxkamadda ayaa muujiyey in ay akooneeda marsiisay lacag dhan $2,120,621 doollar, taas oo loo adeegsaday sida la tilmaamay maalgelinta waxa loogu yeeor argagixisada, fulinta qaraxyada, dilalka, isku dirka qabiilada iyo dhiig daadin shacabka Soomaaliyeed.

Go’aanka ka soo baxay xaakimka garsoorka Maxkamadda ayaa lagu sheegay in eedeysane Caasho lagu riday xukun 16 sano ah iyo daqligii ku jiray akoonkeeda dowladda la wareegto.

“Maxkamaddu waxay ku xukuntay 16 sano oo xarig ah, Ganaax lacageed oo ah $20,000, in la baabi’iyo koonta ay leedahay laguna wareejiyo dowladda wixii hanti ah ee ku jira” ayaa lagu yiri warka Xeel ilaalinta.

Xukunku wuxuu ku soo aadayaa laba maalin kadib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay xukun adag ku riday haweenay magaceeda lagu sheegay Nadiifo Xasan Cabduqaadir oo horay uu Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ugu soo oogay dacwad culus oo la xiriirta maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada iyo dhaqaalaha sharci darrada ah.

Nadiifo ayaa Maxkamaddu ku xukuntay 15 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $20-kun, iyada oo akoonkeeda laga helay $1,237,010, taasi oo la baabi’yey, laguna wareejiyey dowladda.

Xeer Ilaalinta Soomaaliya ayaa caddeeyey in dowladda ay ka go’an tahay la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo dhaqidda lacagaha sharci darrada ah, waxaana digniin loo diray cid kasta oo ku hawlan falalkan oo khatar lagu timaamay iyo in sharciga hortiisa la horkeeni doono.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed