Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqday in ay u dirtay gargaarkii ugu horreeyey dadka ay abaartu saamaysay ee ku nool gobolka Awdal, kadib baaq degdeg ah oo kasoo baxay golaha xukuumadda.
Gargaarkan oo gaaraya ku dhawaad $1 milyan oo Doollar ayaa lagu shubay akoonka guddiga abaaraha Somaliland, waxaana dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay in uu yahay “dhiig-joojin degdeg ah”, iyadoo balanqaadday inay sii wadi doonto kaalinta kaga aaddan caawinta dadka abaartu saamaysay ee gobolka Awdal.
Wasiirka Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo la hadlay warbaahinta kadib wareejinta deeqda ayaa sheegay in lacagta ay kala bixiyeen $500,000 – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo $200,000 – Maamulka Gobolka Banaadir.
“Waxaan halkaan ku wareejeynaa lacag dhan $700,000, oo loogu talagalay dadka walaalaheenna ee gobolka Awdal. Tani waa dhiig-joojin degdeg ah, waxaana rajaynaynaa in si dhakhso ah loo gaarsiiyo dadka ugu baahan,” ayuu yiri Wasiir Cilmi.
Masuuliyiinta xukuumadda ayaa sidoo kale ku adkeeyey Somaliland in deeqdan si hufan loo gaarsiiyo shacabka ku dhibban gobolka Awdal, iyagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay sii kordhiso kaalinta iyo taageerada ay siinayso dadka abaarta ku waxyeelloobay.
HBN ONLINE TV