Wafdi sare oo uu hoggaaminayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay socdaalka wasiir Geesood ayaa sheegtay inuu hordhac u yahay shir la filayo in 10-ka bishaan Luulyo uu ka qabsoomo magaalada Laasacaanood, kaasi oo ay iclaamisay Xukuumadda Soomaaliya.
Waxaa la tilmaamay in uu wasiirku si hordhac ah kulamo kala duwan ula yeellan doono masuuliyiinta maamulka SSC, iyado Laasacaanood ay gaareen siyaasiyiin badan, lana filayo in ay gaaraan wafuud badan oo ka qeyb ah dhismaha maamulka Khaatumo.
Sidoo kale, wasiirka Geesood ayaa kullamo hordhac ah caawa la yeeshay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, waxaaana madaxtooyada Khaatumo ay sheegtay in xubnaha soo gaaray ay kala shaqeyn doonaan geedisocodka dhismaha maamulka SSC.
Dhanka kale, Booqashada Wasiirka Ganacsiga ayaa ku soo beegmeysa, xilli dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan ay ka socdaan deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag. Halkaas waxaa ku sugan guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jirbiil oo wata ciidamo, taasoo sare u sii qaaday xiisadda siyaasadeed ee gobolka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay jiraan siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sanaag oo ku dhawaaqay in ay ka tashanayaan aayahooda, taas oo keentay walwal hor leh oo la xiriira xiriirka dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ee arintaani, iyadoo madaxda Puntland si cad ugu eedeyeeen DFS.
Geesta kale, Safarka Wasiir Geesood ayaa loo arkaa mid xambaarsan farriin siyaasadeed oo la xiriirta taageerada DFS ee SSC-Khaatumo, xilli khilaafka ka taagan Sanaag uu cirka isku sii shareerayo.
Xiisadda u dhaxeysa Puntland iyo DFS, gaar ahaan saami-qeybsiga Sanaag ayaa u muuqata mid sii xoogeysaneysa, iyadoo socdaallo, hadallo siyaasadeed iyo isu-soo baxyo ay ku soo kordhayaan gobolka.
DFS ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xaaladda ka taagan Ceelbuh, hase yeeshee socdaalka Wasiirka Ganacsiga ayaa laga dhadhansan karaa in dowladda ay indhaha ku hayso aayaha gobolkaas istiraatiijiga ah.
Socdaalka Wafdigaan heer Federaal ayaa ku soo aadaya, iyado Xukuumadda Soomaaliya ay shalay magacowday Guddi ka shaqaynaya dhammaystirka Dowlad-goboleedka SSCKhaatumo, kuwaa oo inta ay socoto arinta dhameystirka maamulka ka shaqeyn doona isku dubba ridka.
Guddiga la magacaabay oo isugu jira guddoomiye iyo xubno kale oo farsamo ayaa ka kooban 8 xubnood, waxaana magcaabistooda la ogeysiiyey madaxaweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda dalka iyo huggaamiyaha SSC-Khaatumo.
HBN ONLINE TV