DFS oo war ka soo saartay Khasaaraha Dagaalkii Beledxaawo iyadoo digniin adag u dirtay Jubbaland

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si adag uga hadashay dagaalkii saaka ka dhacay duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo ciidamo ay DFS ku tilmaantay inay ka amar qaataan Madaxweyne Axmed Madoobe, isla markaana uu hoggaaminayay ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aaden.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga DFS ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranku si geesinimo leh uga hortageen weerarka, iyadoo gacanta lagu dhigay toban ka mid ah ciidamada Jubbaland, isla markaana la qabsaday goobihii laga abaabulay.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu xusay in 2 ka mid ah ciidanka dowladda — ay ku geeriyoodeen dagaalka, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen. “Intii lagu guda jiray hawlgalka difaaca, waxaa ku shahiiday laba ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka: Laba-xiddigle Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Muxumed Gooni, Saddex askari oo kale ayaa ku dhaawacmay” ayaa lagu yiri warka wasaaradda.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si adag u cambaareysay falalka lagu carqaladeynayo amniga iyo midnimada dalka, waxayna ku ammaantay ciidanka dowladda sida ay uga hortageen weerarka.

DFS ayaa digniin culus u dirtay ciidamada Jubbaland, gaar ahaan kuwa uu hoggaamiyo Maxamuud Sayid Aaden, iyadoo ku amartay inay hubka dhigaan isla markaana ka waantoobaan falalka wax u dhimaya amniga dalka. Sidoo kale, shacabka gobolka Gedo ayaa loogu baaqay inay garab istaagaan ciidanka Qaranka si loo xaqiijiyo xasilloonida gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed