DFS oo war ka soo saartay in uu u xiran yahay garoonka diyaaradaha Doolow oo Jubbaland ku eedaysay xukuumadda dhexe

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo falceliyey eedeyn loo jeediyey xukuumadda Soomaaliya oo ah inuu u xiran yahay garoonka diyaarada magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa shaaciyey in hadalada iyo warkaasi aanay waxba ka jirin. Wuxuu si cad u sheegay in dowladda Federaalka aysan wax xiriir ah ku lahayn xirnaanshaha garoonkaas, islamarkaana wararkaasi aysan waxba ka jirin.

Xamsa wuxuu xusay inay rajeynayaan in si degdeg ah loo furo garoonka, si ay uga faa’iideystaan shacabka iyo martida dalka, isla markaana dadka reer Doolow ay helaan xorriyad safar oo ay xaq u leeyihiin. Wuxuu tilmaamay in xirnaanshaha garoonka uu dhibaato ku hayo bulshada deegaanka.

Hadalkan ayuu ka sheegay Ra’iisul Wasaare Xamsa munaasabad lagu taageerayay kumanaan ruux oo ku nool Doolow, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay kobcinta dhaqaalaha iyo hirgelinta mashaariic wax-ku-ool ah, gaar ahaan taageeridda dadka danyarta ah iyo kuwa ay saameeyeen barakaca iyo duruufaha adag.

“Dowladda Federaalka ah uma xirna Garoonka Dooloow. Waxaan rajaynayaa in si dedgeg ah loo furo Garoonka. Waxaan halkaan ka caddaynayaaa dowladda Soomaaliya uma xirna” ayuu yiri Ra’isal Wasaare Xamsa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed