Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa soo dhoweysay heshiiska xabbad-joojinta ee ay wada gaareen Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadaha isla markaana lagu xoojinayo nabadda iyo amniga heer gobol iyo mid caalami.
DFS ayaa bogaadisay doorka Maraykanka ee hoggaaminta dadaallada is-xakamaynta iyo wada-hadalka, waxayna sidoo kale qirtay ka qaybgalka Iiraan ee furaya waddo diblomaasiyadeed. Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Pakistan, Sacuudi Carabiya, Türkiye iyo Masar doorkooda dhexdhexaadinta ee horseeday heshiiskan.
Soomaaliya ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay hirgelinta heshiiska xabbad-joojinta iyo sii wadista wada-hadalka si loo gaaro xal waara, iyadoo xustay in amniga marin-biyoodka iyo ganacsiga caalamiga ahi ay muhiim u yihiin xasilloonida gobolka.
Soomaaliya waxay sheegtay inay xaqiijinayso ka go’ananta xalinta khilaafaadka si nabad ah, ixtiraamka madaxbannaanida dalalka iyo doorka diblomaasiyadda, iyadoo xabbad-joojintan ku tilmaantay saldhig lagu dhisi karo nabad waarta, isla markaana ay diyaar u tahay taageeridda dadaallada nabadeed ee caalamiga ah.
HBN ONLINE TV

