Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta war ka soo saaray xaaladda degmada Beledxawo, iyagoo si weyn u bogaadiyey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa la wareegay magaalada oo ay sheegtay in si masuuliyad iyo xilkasnimo ah u muujiyeen intii lagu guda jiray howlgalkii dhacay.
Goluhu waxa uu ku ammaanay sida ciidamadu ay uga hortageen khasaaraha shacabka, isagoo sidoo kale si gaar ah u xusay garab istaagga bulshada deegaanka oo muujisay taageero ballaaran oo ku aaddan dowladnimada iyo dadaallada lagu sugayo nabadda gobolka Gedo.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay in haatan si degdeg ah loo bilaabay shaqada dib u howlgelinta xarumaha dowladda ee degmada Beledxaawo, si bulshada loogu celiyo helidda adeegyada dowladda ee muhiimka ah, sida caafimaadka, waxbarashada iyo maamulka guud.
Golaha Wasiirrada ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka ay weli mudnaanta 1-aad siineyso dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, iyadoo ujeedadu tahay sida hadalka loo dhigay in shacabka Soomaaliyeed loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhameystiran.
Waxa kaloo Golaha Wasiirrada ay xuseen in cid kasta oo carqaladeysa daganaanshaha ay si toos ah u wiiqeyso dadaalka qaranka ee lagu baabi’inayo argagixisada, isla markaana loo baahan yahay midnimo qaran si looga adkaado halistaas.
Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka ah ee Maareynta Nidaamka Maaliyadda, iyo sidoo kale Xisaab-xirka sanadeedkii 2024, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka dowladda.
HBN ONLINE TV