Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo afjaray weerarka qaraxa ku billaawday ee xubno ka tirsan Alshabaab ku qaadeen Xabsiga Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen toddobo xubnood oo ka tirsan Alshabaab oo wata gaari nuuca Cabdi Bile ah loo u ekeysiiyay gaadiidka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.
Bayaanka Wasaaradda ayaa lagu xusay in raggaan ay si sahlan uga soo gudbeen baraha Kontrool ee magaalada maadama ay wateen darees iyo gaadiid u eg midka Ciidamada.
“Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ay ku soo afjaraan weerarkii argagixisadu qaaday, ayna toogtaan dhammaan dhagarqabayaashii weerarka fuliyay, kuwaas oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Amniga.
Qoraalka oo sii socda ayaa la sii raaciyey “Arrintan ayaa muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda. Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerarka, habraacyada iyo go’aannada maamulka ee khuseeya amniga caasimadda iyo xakameynta hubka”
Sida wararka aan helayno tilmaamayaan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka Godka Jilacow, iyadoo dhaawacyada la geeyay xarruumaha Caafimaadka ee Muqdisho.
HBN ONLINE TV