DFS oo si carro leh ugu eedeysay siyaasiyiinta mucaaradka inay ku kaceen fal amni–daro iyo xoog

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa cambaareysay dhacdo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii xubno ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ay gudaha u galeen Saldhigga Booliska ee degmada Warta Nabadda, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhawaac.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay “fal liddi ku ah amniga caasimadda iyo jiritaanka dowladnimada”, iyadoo lagu eedeeyay siyaasiyiintaasi inay doonayeen in ay khal-khal galiyaan ammaanka iyo kala dambeynta dalka.

Sidoo kale, Dowladdu waxay xustay in siyaasiyiinta mucaaradka ku haminaya qabashada talada ay u muuqdaan kuwo isku dayaya sida hadalka u dhigay dhiig daadinta shacabka iyo ciidamada qalabka sida, kuwaas oo ku howlan difaaca dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha loogu yeero argagixisada.

Dowladda ayaa caddeysay in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda “ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka”, sida lagu sheegay bayaanka soo baxay.

DFS ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta iyo cid kasta oo isku dayda inay khalkhal geliyaan amniga inay ka waantoobaan falalkaasi “guracan”, isla markaana ay u hoggaansamaan sharciga iyo dastuurka dalka u degsan.

Ugu dambeyntiina, Dowladda Federaalka ayaa caddeysay inay u taagan tahay ilaalinta sharciga, badbaadada shacabka iyo hantidooda, iyadoo ballan qaaday in lala xisaabtami doono cid kasta oo wax u dhimeysa amniga qaranka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed