DFS oo si adag uga jawaabtay socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Israa’Iil ee Hargeysa tagay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay socdaal ay ku tilmmaamtay “mid aan fasax haysan” ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ku tagay magaalada Hargeysa, taas oo ay ku sheegtay inuu qayb ka yahay dhulka madaxbannaan ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa tilmaamtay in ficilkan uu yahay ku xadgudub weyn oo ku saabsan madaxbannaanida, midnimada siyaasadeed, iyo dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana uu matalayo faragelin aan la aqbali karin oo ku saabsan arrimaha gudaha ee dal madaxbannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay.

“”Hargeysa waa qayb aan laga goyn karin Soomaaliya. Wax kasta oo soo degitaan rasmi ah, xiriir, ama hawlgal gudaha dhulka Soomaaliya lagu sameeyo iyada oo aan la helin ogolaanshaha iyo ruqsadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waa sharci-darro, mana laha wax ansaxnimo sharci ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale, bayaanka ayaa intaa ku daray in ficilada noocan oo kale ah ay ka soo horjeedaan mabaadi’da iyo ujeedooyinka Dastuurka Qaramada Midoobay, Xeerka Aasaasiga ah ee Midowga Afrika, iyo xeerarka caadiga ah ee xiriirka dalalka madaxbannaan, oo ay ku jiraan mabaadi’da sinnaanta, madaxbannaanida, midnnimada dhuleed, iyo ka hortagga faragelinta, waxayna fariinta ay dirtay Israa’iil baaqday inay joojiso faragalinta.

“Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in Israa’iil ay joojiso dhammaan ficilada wax u dhimaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay si buuxda u ixtiraamto waajibaadkeeda sharciga caalamiga ah,” ayaa lasii raaciyey warka.

Soomaaliya waxay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ururka Dowladaha Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo dhammaan la-hawlgalayaasha caalamiga ah ku boorisay inay si cad oo aan mugdi ku jirin u muujiyaan taageeradooda mabaadi’da madaxbannaanida, midnimada, iyo xuduudaha caalami ahaan loo aqoonsan yahay ee dalka.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sii daray in Soomaaliya ay “xaq u leedahay inay qaado dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed iyo sharci ee ku habboon,” sida ku cad sharciga caalamiga ah, si ay u ilaaliso madax-bannaanideeda, midnimadeeda qaran, iyo dhuleedkeeda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed