Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si kulul u eedeysay ciidamada Jubbaland ee ku sugan xadka Soomaaliya iyo Kenya taciyado rayid iyo carqaladeyn amni, kadib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira dhac iyo baad ay kula kaceen dad shacab ah oo ku nool xadka labada dal.
Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Jubbaland ee DFS, Cabdirashiid Xasan Cabdinuu (Janan), oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledxaawo ayaa sheegay in seddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay jireen howlo carqaladeyn ah oo ay sameeyeen sida uu hadalka u dhigay askarta Jubbaland ee xadka kaga sugan dhank Kenya inay qaadeen talaabooyin dhibaateyn ah. Waxyaabaha uu ku soo hadal qaaday waxaa ka mid ah dhac bareer ah iyo weerar ay ku qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo Kenya, si ay qalaalase uga dhex abuuraan labada dal.
“Waa la yaab in askari dalkiisii dhibaateeyay, cararay, dal kale galay, haddana dib ugu soo noqda shacabka si uu u baado, kadibna mar kale u laabto dal shisheeye,” ayuu yiri Taliye Janan.
Janan ayaa intaas ku daray in aysan suurtagal ahayn in askar dhibaateysa shacabka Soomaaliyeed ay “salka la galaan dowlad shisheeye oo deris ah”, isagoo ugu baaqay ciidankaas inay ka waantoobaan falalka lagu eedeynayo.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay xiisado siyaasadeed iyo amni oo hor leh ka jiraan gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Beledxaawo, kuwaas oo u dhexeeya DFS iyo Jubbaland.
DFS ayaa sheegtay inay cambaareyneyso dhammaan falalka ka dhanka ah shacabka rayidka ah, isla markaana ay qaadayso tallaabooyin lagu xaqiijinayo mas’uuliyad iyo isla xisaabtan ku saabsan eedeymaha loo jeediyay ciidamada Jubbaland.
HBN ONLINE TV N