Iyadoo xiisadda gobolka Bariga Dhexe ay gaartay heer aad u xasaasi ah, isla markaana ay sii kordhayaan weerarro lagu beegsanayo goobaha dhaqaalaha, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) si adag u cambaareysay weerarrada ay Iiraan ku qaadday kaabayaasha tamarta ee dalalka Sacuudi Carabiya, Qatar, iyo Imaaraadka Carabta.
Dowladda Soomaaliya ayaa falalkan ku tilmaantay xadgudub culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, kuwaas oo halis gelinaya amniga iyo xasilloonida gobolka, garab taagan tahay wadamada la beegsaday.
“Soomaaliya waxay dib u xaqiijineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay dowladaha iyo shucuubta Sacuudi Carabiya, Qatar, iyo Imaaraadka, waxayna taageereysaa tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo madaxbannaanidooda isla markaana lagu xaqiijinayo badbaadada muwaadiniintooda iyo dadka deggan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka DFS.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa sheegtay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo in la dejiyo xiisadda, isla markaana la bilaabo wada-hadal lagu xallinayo khilaafaadka jira—ayna adkeysay ahmiyadda ay leedahay ilaalinta marinnada tamarta.
“Maadaama ay Soomaaliya ku taallo marinno badeed muhiim ah, waxay adkeyneysaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta marinnada tamarta ee lagama maarmaanka u ah xasilloonida caalamka,” ayaa mar kale lagu yiri warka DFS.
Ugu dambeyn, DFS ayaa caddeysay in ay weli ka go’an tahay la shaqeynta waddamada gobolka iyo kuwa caalamka, si loo horumariyo nabadda loona ilaaliyo kaabayaasha muhiimka ah ee tamarta.
HBN ONLINE TV

